
Wacitan Furan: «Lesfos 2015 – 10 Sano Kadib» – Bandhigga Sawirrada ee Mintilene

Waxaan u yeeraynaa dadkii joogay Mytilene ilaa sanadkii 2015- dadka deegaanka, qaxootiga/rag iyo dumar, kuwii garab istaaga muujiyay- Inay nala wadaagaan xusuuusohodii markaas, iyaga oo noo so diraya ugu badnaan 3 sawir kuwaa oo muujinaya waayo-aragnimadoodii qaxootiga ee ey so mareen muddadaas.
Sanadkii 2015 wuxuu galay taariikhda xilligii xagaayga socdaalka iyo isku duubnaantii gudaha Dalka Giriigga iyo Yurub. Boqolaal kun oo qof ayaa yimid jasiiradaha Giriigga iyagoo halis geliyay noloshooda, si ay u helaan nabadgelyo iyo mustaqbal wanaagsan gudaha Yurub. Mytilene waxay u noqotay xarun dadkaas, iyadoo bulshada iyo xarumaha deegaanku ay siiyeen soo dhaweyn iyo taageero. Kalluumeysato ayaa ka qeyb qaatay badbaadinta, dhakhaatiir ayaa daryeel bixiyay, darawallada gaadiidka ayaa ka shaqeeyay, macallimiinta ayaa bixiyay casharro. Dhamaan dadku waxey fureen albaabada si ey ula wadaagaan cunto, biyo, dhar, busto ama sariir. Dad badan ayaa ka kala yimid gudaha dalka Giriigga iyo dibadda si ay u caawiyaan.
Toban sano kadib, Ururka Taageerada Qaxootiga ee Badda Aegean (RSA) wuxuu qabanayaa bandhig sawirro sanadkan xiliga dayrta gudaha Mentilene, si uu iftiimin ugu sameeyo xilligaas iyada oo loo marayo aragtiyo shakhsiyeed, sheekooyin nololeed maalinle ah, caqabadaha iyo sidoo kale is-garabsiga.
Waxaan rabnaa inaan wadaagno oo aan xasuusanno — annaga oo adeegsanayna sawirradiinna — waqtiyo ka mid ah imaanshaha, joogitaanka iyo bixitaanka, laga so bilaabo xeebaha, waddooyinka, xeryaha, tuulooyinka ilaa magaalo. Waxaan rabnaa inaan iftiimino xiriirrada bini’aadamtinimo, ficilada is-caawinta iyo midnimada, laakiin sidoo kale hab nololeedka iyo samata-bixinta, dhismayaasha kumeelgaarka ah, hagaajinta degdegga ah, dhibaatooyinka iyo xalalka. Waa kee sawirkii aad qaaday xilligaas ee adiga astaan ku ah wixii aad aragtay ama la kulantay? Iyo maxay tahay arrinta aan ka muuqan sawirka balse si weyn kuu saamaysay?
Tilmaamaha ka qeybgalka: Dooro ilaa 3 Sawir oo aad adiga qaaday gudaha Mentilene laga so bilaabo waqtiga bishii Maayo 2015 – Desembar 2015, kuwaas oo quseeya qaxootigii kusugnaa jasirada, foomka ku qor. Hadii aad cawinaad ubaahantahay, inoo soo dir email [email protected]
Kama danbaysta soo gudbinta: 15/9/2025